660 Views

Bisha Cas ee Qatar oo soo gabagabaysay howlo caafimaad oo ay ka wadday Soomaaliya

Bisha Cas ee Qatar oo soo gabagabaysay howlo caafimaad oo ay ka wadday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: December 21, 2021

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda Qatar oo kaashanaysa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa soo gebagebeysay howlo qallinno kala duwan ah oo ay ka wadday dalka Soomaaliya.

Mashruucan oo ahaa qalliinno xagga dhagaha,sanka, cunaha iyo mid guud ayaa waxaa ka faa’ideystay 116 qoys oo ay ku jiraan 812 bukaan, kuwaas oo u badan dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danyarta ah ee ku nool Caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

Mashruucan oo socday muddo labo bilood ah ayaa waxaa ku baxday lacag ka badan Nus Malyuun Riyaalka Qatar ah, iyadoo hay’adda bisha cas ee dalkaasi ay kaga mahad celisay dhaqaatiirta khibradda leh ee la fuliyay howlaha iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaalin mug leh ka qaadatay hirgelinta mashruuca.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post