741 Views

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay dalka Jabuuti

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________


Arbaco:   December 8, 2021

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa dalka Jabuuti ugu qeybgalay shir heer sare ah oo muhiim ah.

Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa in xoolaha iyo bulshada ku dhaqan kalasterka 4aad ee lamagac baxay DIKHIL ay ugu adkeysan lahaayeen abaaraha iyo musiibooyinka la xiriira, si xal waara loogu helo baahiyaha ballaaran ee xoolaha iyo dadka xoola dhaqatada ah sida Daaqa, Biyaha, Caafimaadka Xoolaha iyo adeegyada fayadhowrka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadalayey wax ka qabashada nabadda iyo xasilooni kuwada noolaashaha bulshooyinka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan xuduudaha saddexda dal ee ku bohoobay Kalasterka 4aad ee DIKHIL.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay Urur goboleedka IGAD waxaana ka qeyb galay Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ku bohoobay kalasterka 4aad ee DIKHIL.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post