369 Views

Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo diiday codsi uu u soo gudbiyey madaxweynaha la doortay Kenya ee William Ruto.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo  diiday codsi uu u soo gudbiyey madaxweynaha la doortay Kenya ee William Ruto.
____________________________________________________________________________

Talaado:AUGUST 30, 2022

Maxkamadda sare ee dalka Kenya, ayaa diiday codsi uu u soo gudbiyey madaxweynaha la doortay Kenya ee, William Ruto.

Codsiga ayaa ahaa in lix kamid ah guddiga doorashada (IEBC) laga mamnuuco ka qeyb galka dacwadda doorashada madaxweynaha, iyadoo go’aamisay in khilaafka la horkeeno garsoorayaasha.

Ruto, ayaa doonaya in afarta xubnood ee guddiga doorashada, ee ku rayiga ah isbaheysiga Azimio, inay dhanka isbaheysigaasi maraan.

Xubnaha afarta ah, ayaa haatan qeyb ka ah xubnaha guddiga doorashada ee dacwadda doorashada lagu muransan yahay ee la gudbiyey ka jawaabaya.

Maalinta bari ah ayey maxkamaddu si rasmi ah u bilaabi doontaa dhageysiga dacwada.

Waxay haysataa maxkamadda inay go’aan ku gaarto illaa iyo 5-ta bisha September.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post