978 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka bilaabey Dhoobleey

Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka bilaabey Dhoobleey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin , Feberaayo 24, 2020 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa halkaasi waxaa uu ka bilaabey kulamo kala duwan.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagaas ka howlgala,sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada,isaga oo kala hadli doono la-dagaalanka Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment