1281 Views

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23da Maarso, 2021Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa dhiggiisa dalka Masar mudane Saamix Shukri kala hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar Axmed Xaafid ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay horumarada kala duwan ee ka socda geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa xasiloonida iyo nabad gelyada qaaradda Afrika.

Wafdiga la socda wasiirka arrimaha dibadda xukuumaada federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya mudane Xasan Macallin Khaliif.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post