993 Views

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow “ Danbiilayaasha kufsiga iyo dilka u gaystay Marxuumad Xamdi, waa in ay dhadhamiyaan Xanuunka ay geesteen oo aan dareemayno.. Sawiro

____________________________________________________________________________

Xili maalmo ka hor  magaalada Muqdisho ay ka dhacday fal aad u fool xun oo dil iyo Kufsi loogu geestay gabar Soomaaliyeed, ayaa waxaa arintaas ku baxay oo booqday Hoyga Muqdisho ay ka daganeed Marxuumada Siyaasi Xildhibaan Mustaf shekh Cali Dhuxulow.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Gurigooda ku booqday qoyska ay ka soo jeedo allaha u naxarisitee Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo maalmo ka hor kufsi  iyo dil loogu geestay Muqdisho.

Siyaasiga ayaa waxaa Booqashadiisa ku Wehliyay Masd’uuliyiin kale, waxa uuna Qoyskii uu tacsida ugu tagay u balan qaaday in sharciga la marsiin Doono dhagar qabayasha iyo Danbiilayaasha dhibatada Gaysatay.

” Marka hore waxaan idin kugu Nimid Tacsi, waxaana    tacsi u dirayaa Qoyskii iyo dhamaan asxaabtii ay ka baxday Xamdi Maxamed, waa dhacdo xanuun badan oon la aqbali karin waxa gabadha ku dhacay” ayuu yiri Dhuxulow oo aad uga carooday dhibaatada bahalnimada ah ee loo geestay Xamdi.

“ Waxaan balan qaadaynaa in ay dhadhamiyaan xanuunka ay Geesteen iyo falkii Bahalnimada ahaa oo ay u Geesteen Marxuumad xamdi, waa in ay Dareemaan Xanuunka aan dareemayno mid la mid ah “ ayuu Yiri  Martkale Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo ah Xildhibaan inta badan bulshada Soomaaliyeed arimahooda u dhaq dhaqaaqa.

Sidoo kale  Xildhibaanka ayaa ah Mas’uulkii ugu horeeyay ee ka Damqada arintaas oo Booqday Hoyga  ay ka daganeed Marxuumada magaalada MUqdisho.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post