1338 Views

Gaashaanle Diini Rooble Ahmed “ Ciidamada haray saakay ayaa lagu wadaa in ay Muqdisho ka baxaan..

Gaashaanle Diini Rooble Ahmed “ Ciidamada haray saakay ayaa lagu wadaa in ay Muqdisho ka baxaan..
____________________________________________________________________________

May 7, 2021

Gaashaanle Diini Rooble Ahmed oo ah afhayeenka ciidamada dowladda ee la baxay Badbaado Qarann. Ayaa ka hadlay xaalada Muqdisho iyo Ciidamadii shalay laga qaaday wadooyinka.

Waxa uu sheegay in Ciidamada qaar ka mid ah ay saakay ka laabanayaan Muqdisho, waxa uuna sheegay in qarkood isla xalay ay magaalada ka baxeen.


Dadaaladii ciidanka looga saarayo magaalada Muqdisho ayaa saakay ka socda gobolka Banaadir.


sidoo kale Shalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu kormeeray furista waddooyinkii ku xirmay isku hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidankii ka soo horjeeday muddo kororsiga iyo ciidanka dowladda.

Goobaha dib loo furay ee difaacyada u yaalleen Ciidankii muddo kororsiga ka soo horjeeday ayaa kala ahaa Xaafadaha Siigaale, Barmuudo illaa aagga Mirinaayada.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post