1362 Views

Korneyl Abshir “Ku dhawaad 20 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaan ku dilnay weerarkii Balcad”.

Korneyl Abshir “Ku dhawaad 20 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaan ku dilnay weerarkii Balcad”.
____________________________________________________________________________

Khamiis December 30, 2021

Taliyaha Guutada Sedexaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Korneyl Abshir Maxamuud Shataqay oo waraysi siiyey Radio Muqdisho ayaa u sheegay in dagaal ka dhacay Degmada Balcad ay ku dileen ku dhwaad 20 ka tirsan Al-Shabab.

Taliyaha Guutada saddexaad ayaa sheegay in ciidamada ay iminka howlgallo amni xaqiijin ah ka sameynayaan duleedka Degmada Balcad, isagoo intaa ku daray in dagaalkii maanta jab xoogan loogu geystay maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Balcad waa Nabad hadda aan kula hadlayo, waxaa dagaalka ku dilnay in ka badan toboneeyo oo qaarkood dhaawacyo u dhintay, jab xoogan ayaana loogu geystay magaalada” ayuu yiri Korneyl Abshir.

Korneyl Abshir Maxamuud Shataqay ayaa hoosta ka xariiqay in laga warqabay qorshaha ay maleegayeen dhagar qabayaasha Al-Shabab, balse ciidamada ay jilbaha u saasteen, taasi oo keentay in argagixisadu qasaare naf iyo maalba leh loogu geystay, ayna qorsheynayaan sidii loo joogteyn lahaa howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post