3462 Views

Shirki Madasha Wada-tashiga Qaran oo maanta furmaya

Shirki Madasha Wada-tashiga Qaran oo maanta furmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 2, 2016: Ayada oo la hadal hayo, in uu jiro shaki ku aadan inay dib u dhacday doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo bisha September ee soo socota, isla markaana bishan Agosto gudaheed la soo xulo Baarlamaan cusub ayaa waxaa la filayaa maanta in magaalada Muqdisho shir uga furmo Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.

Wada-tashigaa ayaa lagu go’aamin doonaa waqtiga ay dhaceyso shirka oo aan wali aanay kala cadeyn xilliga rasmiga ah ee ay doorashada dhaceyso, maadaama uu jiro dib u dhacyo badan oo la xiriira qorshayaashii dalka lagu gaarsiin lahaa doorashada 2016.

Shirkan ayaa ku taariikheysan 2-4 bisha Agosto ayaa laga yaabaa in maanta dib u dhaco furitaankiisa, maadaama aanay Muqdisho ku sugeyn Madaxda Madasha wada-tashiga qaran, lana filayo in illaa berri ay soo wada gaaraan Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashada heer Federaal Avv. Cumar Dhagey oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waqtiga ay dhaceyso doorashada lagu go’aamin doono shirka Madasha wada-tashiga.

Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in Madaxda Madasha wada-tashiga qaran ay hor-geyn doonaan qorshayaashooda la xiriira doorashada iyo miisaaniyada, isagoo xusay in guddigooda doorashada uu ka madax banaan yahay isla markaana uusan dhanna raacsanayn.

Si kastaba ha ahaatee wararka xanta ah ee suuqa ku jira ayaa ah in doorashada ay labo billod dib u dhici doonto, maadaama aan wali la qaban howlihii laga sugayay, sida xulista labada aqal ee baarlamaanka, waxaana sida muuqata dib u dhac ka muuqda jadwalkii la soo bandhigay dhamaadkii bishii June.

In kastoo doorashada ay dib u dhici-doonto, hadana xaqiidi waxa ay tahy, in labada bilood ee la sheegaya aad u yartahay, mari la ego howsha Barlamaanka hor-taallo, iyo Nabad-gelyada oo an la sugi-karin goobaha doorashada ay ka dhacayso.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment