741 Views

RW Rooble oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

RW Rooble oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 22, 2020 –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la kulmay Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen).

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashoyinka  Baarlamaanka dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed .

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay Baydhabo, waxaana uu sheegay in howlaha  u diyaar garoowga doorashooyinka ay ku guda jiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa kulamo wada tashi ah la qaadan doona masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Koonfur Galbeed si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta Dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post