1005 Views

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh & James Swan ?

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh & James Swan ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  02- 2019–Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Isniin ah waxaa uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan.

 

Qoraal laga soo saarey Xafiiska Swan ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada qof iyo cod ah oo la filayo inay ka dhacdo Somalia iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya.

 

 

 

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka wada haeen muhiimada ay leedahay siyaasad loo wada dhan yahay iyo in laga wada Shaqeeyo oo hoggaamiyeyaasha Siyaasada ay isla wada gorfeeyaan.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa saamileyda Siyaasada Soomaaliya waxaa ay kulamo la xiriira doorashada Soomaaliya ay la qaadanayeen Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Magalada Muqdisho.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment