603 Views

Rooble oo kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee UK u qaabilsan Geeska Afrika

Rooble oo kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee UK u qaabilsan Geeska Afrika
____________________________________________________________________________

isniin: April 25, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Danjire Philip Parham, ka hor shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika kaas oo berri ka furmaya Geneva.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo horumarinta iskaashiga xooggan ee labada dal iyo xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya.

Danjire Philip Parham ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda UK uga go’an tahay sii wadista taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen habsami u socodka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya,waxa uuna danjiruhu Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u  maamulay doorashooyinka dalka oo si guul ah ku soo gaaray heer gebogebo ah.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay iskaashiga iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay ku jirto duruufan adag oo kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post