612 Views

Taliyaha Ciidanka NISA qeybta Gobolka Gedo Bakaal Kooke oo sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu tagaya gobolka Gedo

Taliyaha Ciidanka NISA qeybta Gobolka Gedo Bakaal Kooke oo sheegay in  Madaxweyne Xasan Shiikh uu tagaya gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

 


khamiis: July 21, 2022

Taliyaha Ciidanka NISA qeybta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo ka ka hadlay markiisii ugu horreysay khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo kan Gobolka Gedo, ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ay balan qaadeen inay tagayaan gobolka, si ay u dhageysato tabashada ay ka qabaan dadka degan Gedo hoggaanka Maamul Goboleedka Jubbaland.


“Hadda dadku waxay naawilayeen waxay ahayd dowladdii cusbeyd iyo Gedo maxaa laga yeelayaa oo ay Facebook-kasta ku qorneed oo aad arkeyseen, madaxweyne Xasan Shiikh iyo dowladdiisu waxay balan qaaday Gedo inay imaaneyso, islamarkaana ay cabashadiina dhageysaneyso.” ayuu yiri Taliyaha.


Bakaal Kooke oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa reer Gedo laga rabaa marka hade qeylo, buuq iyo siyaasad xumo waxba matareyso, Gedo Jubbaland-ayay ka tirsan tahay, Jubbaland hadaa kala maqan nahay waa la isku keena keenaa waa la wada hadlayaa, waala doodi doonaa madal baa la iska rabaa.”


Sidoo kale, Wuxuu sheegay in muhiim aysan ahayn in Gobolka amnigiisa lagu ciyaaro, balse ay tahay in amniga la wada ilaaliyo.


“Siyaasadaasu halkaas bay daaran tahay, in gobolka Amnigiisa lagu dheelo muhiim nooma aha anagu amniga inaa ilaashano hadee dowladda federaalka timaato, hadee Jubbaland timaato cidaa war u leenahay fadhi baa lagu galayaa cidee quseyso oo loogu talagalay ayaana geli doonto taa waxaa rabaa qofwalba inuu sidaas u ogaado.” Ayuu yiri Taliyaha NISA qeybta Gobolka Gedo Bakaal Kooke.


Sidoo kale, Taliyaha ayaa digniin u diray ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Gedo, waxaa uuna sheegay in Askarigii dhibaato geysta la horgeyn doono maxkamadda, islamarkaana caddaalada la marsiin doono

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post