975 Views

ciidamada Puntland oo howlgal ay ka sameeyeen Boosaaso ku qabtay ragg lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.

ciidamada Puntland oo  howlgal ay ka sameeyeen  Boosaaso ku qabtay  ragg lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.
____________________________________________________________________________

Talaado 9  Febraayo Qaranimo Online

Wararka ka imaanaya gobolka Bari  ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ay ku qabteen ragg lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Ammaanka ee maamulka Puntland , ayaa sheegay  in baaritaan lagu hayo dadkaas la qabtay, inkastoo aysan tiradooda sheegin.

Saraakiisha laamiga amniga Puntland  ayaa sheegay dhawaan  in ay ku raad-joogaan ragg lala xiriirinayo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo doonaya in ay weeraro ka fuliyaan magaalada  Boosaaso.

Dadka la qabtay ayaa haatan lagu hayaa saldhigyada ku yaala Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo lagu hayo baaritaano hor leh, iyadoona laamaha amniga ay sheegeen in cadaalada la horkeeni doono dadka falalka amni darada ka geysta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post