1638 Views

Waa Kuma Wasiirka Dawladda Eritrea Ee La Dhaawacay?

Waa Kuma Wasiirka Dawladda Eritrea Ee La Dhaawacay?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Wasiirka Macdinta iyo Tamarta Eritrea General Sibhat Efrem ayaa la sheegay inuu dhaawacay shaqsi aan haybtiisa la garan, dhaawac culus oo soo gaaray dartiina dibadda loola cararay.

Dowladda Eritrea inkasta oo ay si rasmi ah uga hadlin dhawaca wasiir Efrem loo geystay haddana Danjiraha Eritrea u fadhiya Japan Danjire Istifaanoos Afawarqii oo cambaareeyey dhaawaca loo geystay wasiirka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray inuu u rajeeynayo caafimaad degdeg dhaawacana uu degdeg uga bogsado.

“Sibhaat waxaan u rajeeynayaa caafimaad waxaanna si weyn u cambaareynayaa ayuu yiri falka ay dadka fuleyga ah geysteen.”

BBC-da oo isku dayday iney arrintaan xog dheeraad ah ka hesho oo la xiriirtay dowladda Eritrea uma suuragelin iney wax xog ah ka hesho dhanka Asmara.

Wasiirka ayaa lagu dhaawacay xilli uu marayey meel ku dhaw guri uu ka degganaa magaalada Asmara shaqsiga weerarka geystayna uu ahaa nin mudda badan meel ugu gabbanayey, waxayna hay’adaha amniga ee Eritrea sheegeen shaqsigii wasiirka dhaawacay iney gacanta ku soo dhigeen.

General Sibhaat wuxuu muddo 19 sano ah uu soo ahaa wasiirka gaashaandhigga Eretria, sanadihii ugu horreeyey ee ay Eritrea xornimada ka qaadatay Itoobiyana wuxuu soo ahaa duqa magaalada Asmara ahna wasiirka Caafimaadka.

General Sibhaat oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu awoodda badan xisbiga haya talda dalka Eritrea ee EPLF wuxuu sida oo kale xubin uu ka yahay xafiiska siyaasadda dalkaasi laga hoggaamiyo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment