1422 Views

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo

Sawirro:-Madaxweynaha Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2019–Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Weftiga Madaxweynaha ayaa intaanay soo gaarin Gaalkacayo waxa ay kusoo hakadeen magaalada Heemo oo uu halkaasi Madaxweynuhu Salaan ugu tagay Shiikh Maxamed Cabdullaahi Baardheere. Sidoo kale weftiga Madaxweynaha ayaa kusoo hakaday magaalada Daarusalaam oo ay shacab aad u balaadhan kusoo dhoweeyeen, waxaana uu Madaxweynuhu kelmed mahadcelina u jeediyey shacabka magaaladaasi.

 

Madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa ugu dambayn soo gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, duleedka magaalada ayaa waxaa weftiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, masuuliyiin ka tirsan Geleyaasha Puntland, nabadoono, siyaasiyiin, waxgarad, qaar kamida ururada bulshada iyo masuuliyiin kale.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in si tayoleh loo dhisay dhismaha Madaxtooyada, islamarkaana waxa uu bogaadiyey xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas oo dhistay xaruntani.

 

“Runtii waan ku faraxsanahay inaan Gaalkacayo soo gaaro, waan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhoweyntayada, waxaan rajaynayaa mudada aan halkan joogno inaan kulamo qaadandoono, waxaanna iska waraysandoonnaa dalka horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa”

 

“Waxaan ku faraxsanahay inaan xarigga ka jarno qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo, waxaan marka hore uga mahadcelinayaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo runtii aasaaskeedii iyo hirgelinteedii lahaa, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa shirkaddii dhistay oo shaqo fiican oo qurxoon ka qabatay, illaalisay goobihii taariikhiga ahaa, waxaan kaloo ka mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment