168 Views

Dowladda iyo shacabka oo ka dhiidhiyay gardarada Itoobiya ee Damaca Badda (WARBIXIN)

Dowladda iyo shacabka oo ka dhiidhiyay gardarada Itoobiya ee Damaca Badda (WARBIXIN)
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Ra’iisul wasaaraha qar iska tuurka ah ee Ethiopia oo dhowrkii sano ee u dambeysa wajahaayay culeysyo Siyaasadeed oo uu kala kulmayay Dibada iyo Gudaha Ethiopia, iyadoo lagu xasuusto Dagaalkii Sudan, dagaalkii/Xasuuqii uu ka geystay Gobolka Tigrayga, haddana wuxuu hadda dagaal barakicin ah ka wadaa Degaanada Amxaarada iyo Oromada, kuwaasoo diidan siyaasadiisa qaris ka tuurnimada, iyadoo Khubarada ku takhasustay Xeerarka Caalamiga ah ay Hogaanka Dalka Ethiopia ku eedeeyeen inuu jabiyay mid ka mid ah Mabaa’dida Aas-aasiga ah ee Ururka Midowga Afrika iyo kan caalamka, isagoo fara-gelin qaawan iyo duulaan dhuleed ku sameysay mid kamid ah Dalalka Midowga Afrika oo ah (Soomaaliya), kadib markii heshiis bug ah ay ku doonaayaan iney si xoog ah u qaadato Xeebta Degmada Lughaya.

Warar wel wel xambaarsan ayaa laga soo sheegayaa degaannada Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo Xooggaga Amaanka Degaannadaasi ay bilaabeen ugaarsi ay ku hayaan Culumaa’udiinka, Waxgaradka Dhallinyarada iyo Haween ka dhiidhiyay Heshiiska uu ku bixiyay Muuse Biixi Xeebta Lughaya iyo Waddo 90-Km ah oo oo xeebta ilaa Xuduuda ku teedsan, iyadoo dhinaca kalena la sheegayo Wararka dhiilada leh ayaa lagu soo waramayaa in Wadaadka Sheekh Mustafa Cabdi Cumar oo ka soo jeeda Beelaha Waqooyi ay habeen hore Hoyga uu degenaa ku weeraray Xoogag hubeysan ay Hormuud u yihiin Wiilka Muuse Biixi iyo Madaxa Sirdoonka Maamulka, iyadoo Rasaas badan ku argagax geliyeen Xaaska iyo caruurta Wadaadka inkastoo uusan Wadaadku xiligaasi ku sugneyn Gurigiisa, waxaana Magaalooyinka Burco, Sheekh, Boorame iyo Hargeysa la dhigay jid-gooyooyin Dadka & Gaadiidka lagu baaraayo, sida aan ka soo xiganay Ciise Xasan oo ah falanqeeye dhinaca Amniga ah oo jooga magaalada Helsinki ee cariga Finland.

“Ku darsoo Maleeshiyaad hubeysan iyo Gaadiid dagaal ayaa habeen hore ka baxay magaalada Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda Magaalooyinka Lughaya, Seylac iyo Boorame ee Gobolka Awdal, si ay u caburiyaan Shacbiga Degaanadaasi oo diiday Heshiiska Is-fahamka lagu sheegay, waxaana ku wehliya Saraakiil Sirdoon oo ka tirsan Dalka Ethiopia”, ayuu siiracay.

Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Burco laga soo qabtay Wadaadka Cabdimaalik Coldoon, isla markaasna Tacadiyo iyo Jir-dil ay geystaan Maleeshiyaad ka tegay Magaalada Hargeysa, waxaana loo aaneynayaa Hadalo uu ku diidan yahay Heshiiska been abuurka ah oo uu dhawaan jeediyay, isagoo sheegay in wax laga xumaada ay tahay in Soomaaliland ay heshiis dhul ay ku siineysa Itoobiya la gashay.

Xadgududbka ay Itoobiya kula kacayso Soomaaliya  waa mid iyada u daran, sababtoo ah waa dal kala socda oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan, qarkana u saran burbur, waxaana u sabab ah:- 1- Qowmiyadda Tigreega ku dhowaaad hal milyan oo qof ayaa looga dilay, waxaana la leeyahay isu abaabul ama dib isku diyaarin bay ku jiraan. 2- Gobolka Amxaarada bandow baa saaran, laakiin jabhaddoodu mararka qaar Addis-Abbaba ayay ilaa 100km u soo jirsataa. 3- Heshiiskii dawladda iyo Jabhadda Oromada wuu burburay, Wasiiru dawlihii Wasaaradda Nabadda Mr Taye Dandea ee dawladdu ku eedeyay in ay ka dambaysay fashilka heshiiska Xabsiga ayaa la dhigay, jabhadduna duleedka Caasimadda ayay ka dagaalantaa. 4- Dagaalladaasi waxay dalka geliyeen qarash balaayiin doolar ah, intaa waxaa u dheer in taliskii  Tigreegu uu horay u xaalufiyey qasnadda dawladda, halka musuqa baahsan u sii dheer yahay, kuwaasi oo sababay in dawladdu ay daynta iska bixin la’dahay. 5- Maamulka Abiy Inta badan deriska iskuma wanaagsana, dunida kalena cidna taageero kaga heli mayo in xiisad hor leh geeska Afrika ka aloosanto, iyadoo kuwii hore loo taag la’yahay, waxaa sidaasi qaba Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Waxaa kaloo uu Xildhibaankun qabaa in Itoobiya ay dowlad wanaagsan tahay Soomaaliya, waayo ayuu leeyahay, Halka Soomaalia ka soo kabatay; 1-  Dal isku soo noqonaya, dadkiisuna isku imaanayaan. 2- Dayntii laga cafiyey, cunaqabatayntii hubka laga qaaday, taasoo u saamaxaysa in dalku dhisto ciidan Soomaaliyeed oo ammaanka dalka la wareega, ilaaliyana gobbonimada, madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. 3- Waxaanu leenahay qurbajoog firfircoon oo loobiga iyo abaabulka diblomaasiyadda si weyn uga qayb qaadan kara. 4- Waxaan ku baahsanahay geeska Afrika, ganacsi xooggana ku leenahay, waxaan nahay ummad leh dareen daandaansiga neceb, dullaysiga iyo damaca ajanbigana diida.

Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu soo jeedinayaa “in Hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan dawlad goboleeyada waxaa waajib ku ah; 1- In wax kasta loo quuro midnimada iyo wadajirka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan walaalaheen Somaliland. 2- In la dhiso dawlad difaac qaran oo karti, aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo lagu xulay, meelna la iska dhigo damaca, danta gaarka ah iyo kooxaysiga. 3- In la qaado guluf diblomaasiyadeed iyo abaabul dadwayne, mudnaantana la siiyo sidii dalka looga difaaci lahaa cadowga dawladnimada iyo damaca shisheeyaha. 4- In Soomaaliya loo kasbo saaxiboo iyo dawlado aanu nahay dan isku tolan.

Maanta waxaa ka socda magaalada Muqdisho banana baxyo ballaaran Ujeedkiisu yahay in la muujiyo  diidmada gardarada Dowlada Itoobiya ee Damaca Badda, oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland, kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, kan Qaraaradaha, kan Gobolka iyo guud ahaan Qaanuunka Dowliga ah, iyadoo uu Banaan baxyadaan ka dhigan in ay Ummaddu ku cabirto shacuurtooda difaaca Qaranimada, wuxuuna ahaan doonaa mid taariikhi ah, iyadoo ay hoggaaminayay madaxda ugu sarreeysa Dalka.

Bannaan-baxyadaan ayaa ka dhacay caasimada Muqdisho waxaana ay qayb ka ahayeen bannaan-baxayo maalmihii la soo dhafay ka dhacayay dalka,dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqday in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan xadgududubka Itoobiya ee madax-bannaanida dhulka iyo badda gayiga Soomaaliya,waxaana ay diidmo qayaxan kala hortimid JFS heshiid ku sheega ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ee qaybta ka ah dhulka JFS.

Goobaha maanta dibad baxayadda ay ka dhaceen ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada qeybaheed kala duwan oo doonayay in ay muujiyaan dareena diidmahada ah ee damaca gurracan ee Itoobiya,iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ay ka mid yihiin Baddeennu Iib maah,Taako dhulkeena ka mid ah kama tanaasuleyno iyo baddeenu waa hanti qaran iyo dhaxal umaddeed waana looma soo dhawaadaan ayey adeegsanayeen bibad baxayaasha dadweynihii bannaan baxa ka soo qayb galay, waxaana dibadbaxa ku soo biiray Ra”iisul wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo socod dheer ka soo bilaabay xafiiskiisa ayaa Socod ku maray qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kumanaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee diidan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah Badda iyo Dhulka Soomaaliy, isagoo shacabka khudbad uga jeediyay xarunta taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya Iib maah,baddeenna Iib maah, dadkeenu Iib maah,dhulkeenuna Iib maah,dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isku mid meel kasta oo ay joogaan ama dalka guduhiisa ha joogaan ama dibaddisa, ma jiro qof Soomaali ah oo ogol in dhulkiisa ay Ajinbi qabsadaan ama ay qaataan,waa u soo halgameen, waa soo xoreysteen, waa dalkoodi, maantana yeeli maayaan in ama la Iibsado ama la xaraasho, waa kuwaa Carruurtii ama masutaqbalkii dalka Soomaaliya iska lahaa”.waxaa sidaa yiri Wasiirka waxbarshadda Soomaaliya mudane Faarax Cabdulqaadir oo ka qeyb galay dibad baxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shacabka ka qayb galaya Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso dhulkeena ayaa aragtidooda cabirey waxaan ay sheegeen in dhulka iyo badda ay yihin hanti dadweyne oo ay ka dhaxleen awoowayaashood lagana sii dhaxali doono oo jiilba jiil ka sii dhaxalidoono sida darteed aysan marnaba sinna suurta galay  ku ahayn damaca gurracan ee itoobiya, waxaana gabi ahaan la fasaxay maanta goobaha Waxbarshada, Shaqooyinka xaruumaha dowladda iyo waliba iyadoo Albaabada loo soo xiray goobaha ganacsiga oo ay dadku dhammaan isugu soo baxeen bannanada magaalada iyo goobaha loo asteeyay dibad-baxayada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post