462 Views

Sheekh Aadan Madoobe oo kulamo la qaatay RW ku-xigeenka dalka & Axmed Qoor qoor

Sheekh Aadan Madoobe oo kulamo la qaatay RW ku-xigeenka dalka & Axmed Qoor qoor
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 4, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo siyaasadeed oo uu la yeelanayo madaxda dowladda iyo kuwa hore xilal usoo qabtay, kuwaas oo looga hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa hoygiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed, waxaana looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee doorashada dalka.

Sidoo kale, Raiisul Wasaare ku-xigeenka Xil. Mahdi Guleed oo u hambalyeeyay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalada socda ee looga gol leeyahay dhameystirka doorashooyinka iyo soo af-jaridda marxaladda kala guurka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka  Galmudug.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye  (Qoor Qoor) ayaa xalay booqasho ugu yimid  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee  Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka wuxuu ujeedkiisu ahaa salaan iyo hambalyo, waxaana uu  Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post