960 Views

Baarlamaanka Carbeed oo taageero u muujiyey Soomaaliya

Baarlamaanka Carbeed oo taageero u muujiyey Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya.

 

Bayaanka lagu taageeraya Soomaaliya oo gundhig u ah horumarka dhinacyada badan leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay ayaa mar kale lagu caddeeyay in ay Jaamacadda Carabtu difaaceyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxaana lagu cambaareeyay faragalinta shisheeye.

 

 

 

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horay u taageeray horumarrada ay sameysay Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka hor timid faragelinta banaanka kaga imaanaya, taas oo dhaawac ku ah Qarannimada Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment