2325 Views

Guddiga Dhaqaaalaha XFS Iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka Oo Kulan Yeeshay

Guddiga Dhaqaaalaha XFS Iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka Oo Kulan Yeeshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 14, 2018 –  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo looga hadlayay sidii looga wada shaqayn lahaa kobcinta Dhaqaalaha Dalka si loo gaaro hadafka guud ee ah in la gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Intii kulanku uu socday ayaa waxaa dhamaan ka qayb galayaashu waxa ay soo dhaweeyeen dhismaha iyo hawl gelinta  Golaha dhaqaalaha Qaranka ” National Economic Council” oo dhawaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu ku magacaabay wareegto si ay dawladda kala shaqeeyaan arrimaha dhaqaalaha dalka.

Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo dib u soo celinta dhaqaalaha Qaranka si looga baxo duruufaha Dhaqaale ee uu wadanka dib u dhigay, si nolosha dadka Soomaaliyeed ay wax badani isaga bedelaan.

guddiga-dhaqaalaha-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment