246 Views

Muxuu salka ku hayaa isdiidooyinka Siyaasadeed ee ka taagan DG koonfur Galbeed?

Muxuu salka ku hayaa isdiidooyinka Siyaasadeed ee ka taagan DG koonfur Galbeed?
____________________________________________________________________________

Waxaa maanta ku eg muddo xileedka dastuuriga ee Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kaas oo afar sano ka hor loo dhaariyay xilka ugu sarreeya Maamulka uu fadhigiisu yahay Baydhabo oo ah Caasimadda KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

19 December 2018-kii doorasho dhiig badan ku daadatay oo ka dhacday Baydhabo taas oo ay gadaal ka riixeysay Dowladda dhexe ee uu Hoggaamiye ka ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa Madaxweyne loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ahaa mudane ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS.

16 Bil ka dib doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Laftagareen ayaa Xildhibaannada Maamulkaas waxa ay hal sano ugu dareen xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo muddo xileedkiisa dastuuriga uu ahaa afar sano.

Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa ku sheegay sababta halka sano loogu daray xil heynta Madaxweyanaha iyo Xukuumaddiisa in ay tahay iswaafajinta xilheynta Madaxweynaha iyo midda Baarlamaanka oo hal sano kala horreeyay.

Shirar isdaba joog ah oo Muqdisho uga socday Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayee ku qaadaceen muddo kordhinta halka sano ah ee loo sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis, waxa ay sheegeen in xilheyntiisa ay ku eg tahay inta uu siiyay dastuurka.

19-kii November 2022-ka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa ku baaqay shir dib u heshiin ah kaas oo ay isugu imaanayaan dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada.

Madaxtooyada KG oo soo dhaweysay Shirka Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa  17 December Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo wada saareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu sheegay in 5 January 2023 uu qabsoomi doona Shirka dib u heshiisiinta.

Saacado ka dib Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha KG oo Muqdisho Shir ku qabtay ayaa Warmurtiyeedka ka soo baxay Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.

Bayaanka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Dowlad Gobaleedka ayaa warbaahinta waxaa la wadaagay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda KG Maxamed Xuseen Xasan, isaga oo sheegay in Midowga Musharaxiinta ay si buuxda u qaadaceen Warmurtiyeedka ka soo baxay Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha.

Galinkii dambe ee shalay Wareegto ka soo baxday Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa amarro culus la dul dhigay dhammaan Askarta ka tirsan Ciidank Xoogga Dalka iyo dadka heysta hubka sharciga iyo kuwa aan sharciga ahayn, xilli laga casbi qabo in rabshado iska soo horjeeda ay ka dhacaan Magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda KMG ee Dowlad Gobaleedka.

Warqadda ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga ayaa lagu amray dhammaan Askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60aad in ay ku sugnaadaan xeryahooda Ciidan, Askarigii lagu arka isaga oo magaalada ku dhex wata hub in laga qaadi doona talaabo, halka Ciidanka Booliska, Daraawiishta iyo kuwa NISA lagu amray in magaalada dhexdeeda aysan kuwadan karin hub iyaga oo aan wadan dareeska ciidanka.

Ugu dambeyn Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid lugaha la sii galeysa isdiidooyin siyaasadeed oo salka ku haya muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post