729 Views

Trump oo ka soo horjeestay sii deynta galka canshuurihiisa

Trump oo ka soo horjeestay sii deynta galka canshuurihiisa
____________________________________________________________________________

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa kahor imaan doona amar dhawaan ka soo baxay Waaxda Caddaaladda Mareykanka oo ahaa in diiwaanka canshuur celintiisa lagu wareejiyo guddi ka tirsan Golaha Wakiillada, sida uu Isniintii sheegay mid ka mid ah qareennadiisa gaarka ah.

“Ma jiraan wax caddayn ah oo sheegaya in wax khalad ah ay ka dhaceen canshuurtiisa, waxaan ka soo horjeedaa in la sii daayo diiwaankiisa canshuur celinta, ma aha oo kaliya aniga oo wakiil ka ah Donald Trump, laakiin anigoo ku hadlaya magaca dhammaan kuwa mustaqbalka qaban doona xafiiska Madaxweynaha Mareykanka,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray qareenka Trump, Ronald Fischetti.

“Siyaasadaynta iyo hagardaamaynta Mr. Trump waa mid aan loo baahnayn oo laga caroodo,” ayuu yiri Fischetti, isagoo intaas ku daray inuusan “waligiis arkin arrin sidan oo kale ah” xirfadiisa qareennimo.

Waaxda Caddaaladda ayaa Jimcihii ku amartay Hay’adda Dakhliga Gudaha iyo Canshuuraha ee IRS in ay ku wareejiyaan canshuur celinta Trump guddi Aqalka Wakiillada ka tirsan, iyagoo sheegay in guddiggan ay soo bandhigeen “sababo ku filan” oo ay ku codsadeen galka canshuuraha Trump.

Dimuqraadiyiinta Aqalka Wakiillada ayaa sheegay inay u baahan yihiin canshuur celinta Trump, si loo arko haddii IRS ay si habboon u baareyso canshuur celinta madaxweynaha guud ahaan iyo inay qiimeyso in loo baahan yahay sharci cusub.

Si ka duwan madaxweynayaashii kale, Trump waa madaxweynaha kaliya ee aan si cad u shaacin canshuur celintiisa.

Garsooraha Maxkamadda madaniga ah ee Mareykanka Trevor McFadden, oo dhegeysanaya dacwadda ayaa Trump iyo qareennadiisa u qabtay maalin Arbacada ah, si ay u sharrxaan aragtidooda ku aaddan sida dacwaddu u soconeyso.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post