2394 Views

Gudoomiye Yariisoow “15-ka May waa maalintii halganka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”

Gudoomiye Yariisoow “15-ka May waa maalintii halganka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2018 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay meel sare uga jiraan xil walba horumarinta dalkooda, gaar ahaan waqtigii xornimo-doonka iyo hadda oo dalka uu soo kabanayo. Isagoo xusay in maalintan ay xusuusineyso dhalinta Soomaaliyeed sida loogu baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si looga dhabeeyo riyadii geesiyaashii SYL.

“15-ka May waa maalintii Halganka iyo Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay sidii ay waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga, caawana waxaan halkan u joognaa si aan u muujino taariikhdaas qiimaha badan iyo doorkii waddaninimo ee ay muujiyeen dhalinyaradii SYL“. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Caasimadda oo ka hadlayay mustaqbalka dhalinyarada maanta ayaa xusay in weli ay fursaddu hortooda taal, maadaama ay dadka Soomaaliyeed ka yihiin %75 maamulkiisuna uu diyaar ula yahay wax walba oo lagu hagaajinayo mustaqlkooda dalkana lagu horumarinayo. Maamulka Gobolka ayaa hirgeliyey mashaariic shaqo abuur loogu sameeyey dhalinyarada, iyadoo maamulka loo daadejiyey degmooyinka.

engineer Yariisoow 8 engineer Yariisoow 10 engineer Yariisoow 9

engineer Yariisoow 7 engineer Yariisoow 6 engineer Yariisoow 4 engineer Yariisoow 3 engineer Yariisoow 2 engineer Yariisoow 1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment