966 Views

Madaxweyne Deni oo shaaciyey digiin ka dhan ah Ciidamada

Madaxweyne Deni oo shaaciyey digiin ka dhan ah Ciidamada
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 02, 2020—-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Ciidamada kala duwan ee Puntland looga baahan yahay inay noqdaan kuwa fuliya sida ay dooneyso Xukuumadda Puntland.

 

Waxa uu sheegay inay jiraan kuwa markii la doonayo in wax la saxo diidan xasiloonida,kala dambeynta iyo nabada,isla markaana jecel in tooda kaliya la raaco.

 

 

 

“Waxaa jira kuwa diidan nabada iyo in wax la saxo,waa kuwa jidka goosta oo dhahaya hadii aan sidaan arbno la yeelin waxba socon maayo,waxaana balan ah in aan Puntland mardambe madax furasho loo heysan doonin ayuu yiri Madaxweyne Deni.

 

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawan Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland uu hoggaaminayo Sarkaal Caan ka ah deegaannada Mamulkaas uu dhowr jeer xirtay wadooyinka ka baxa Boosaaso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment