1155 Views

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray Magalada Kismaayo

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray Magalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbalada Hoose waxaa Maanta gaaray saraakiil uu hoggaaminayo taliyaha Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya Ticabu Yilma, kaas oo u dhashay dalka Itoobiya.

Saraakiishaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo mas’uuliyiin kale,waxana ay haatan kulan la leeyihiin Madaxweynaha Jubbaland.

Kulanka oo ay Saxaafadda dibad-joog ka tahay ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay uga hadlayaan sidii loo sugi lahaa Amniga Magalada Kismaayo inta lagu guda jiro Arrimaha doorashada Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saraakiishaan ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan xubnaha Guddiga doorashada iyo sidoo kale musharixiinta,isla markaana ay kormeeri doonaan qeybo badan oo ka mid ah Magalada kismaayo.

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa la filayaa in dhawaan lagu qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland,waxaana Magalada Kismaayo saacadihii la soo dhaafay tegayay wufuud kala duwan, iyada oo shalay uu tegay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment