456 Views

Dowladda Qatar oo cambaareeysay qarax ka dhacay Jubbada Hoose

Dowladda Qatar oo cambaareeysay qarax ka dhacay Jubbada Hoose
____________________________________________________________________________

Qaraxa oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Jimcihii la soo dhaafay qabsaday Gaari HOMEY ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah xilli ay marayeen degaanka Gaabo-gabdhoole ee ku dhow degaanka Cabdi dhoore ee duleedka Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Qatar ayaa waxaa tacsi tiiraanyoeh loog u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxa, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo loo
rajeeyay dadkii ku dhaawacmay in uu deg
deg ah Allah u bogsiiyo.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa sheegtay inay mar walba garab taagan tahay Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira waxa loogu yeero aragagaxisada.
Maamulka Jubbaland ayaa qaraxa ay dadka Shacabka ah ku geeriyoodeen ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab walow aysan jirin cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post