573 Views

Howlgal lagu soo qabtay Kooxo Burcad ah, hub iyo maandooriye oo laga sameeyey Degmada Kaaraan

Howlgal lagu soo qabtay Kooxo Burcad ah, hub iyo maandooriye oo laga sameeyey Degmada Kaaraan
____________________________________________________________________________

Axad: JULY 31, 2022

Ciidamada Booliska iyo Nabadasugida ee Gobolka Banaadir ayaa xalay howgal ballaaran oo lagu xaqiijinayay amniga ka sameeyay xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole iyo Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge ayaa waxaa lagu soo qabtay Qamri farabadan oo isugu jira Kan dalka dibaddiisa laga keeno iyo Calaq dalka lagu farsameeyo.

Sidoo kale waxaa howlgalka waxaa lagu soo qabtay Kooxo Burcad ah iyo hubkii ay wax ku dhici jireen oo dhibaato badan ku hayey bulshada.

Masuuliyiintii hoggaaminayey howlgalka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka dadka lagu qabtay baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono, isla markaana cidii lagu helo inay qeyb ka aheyd amni darrada tallaabo laga qaadi doono.

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa aad ugu soo batay falalka amni darro, taas oo lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee degan degmadaasi.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post