1038 Views

Taliban oo u yeedhay safiirkii Afghanistan u joogay Pakistan

Taliban oo u yeedhay safiirkii Afghanistan u joogay Pakistan
____________________________________________________________________________

Axad:: April 17, 2022

Kooxda Talibanka ee dalka Afgaanistaan ayaa u yeedhay safiirka Pakistan u jooga magaalada Kabul si ay uga mudaaharaadaan weeraro ay sheegeen in ciidamada Pakistan ay ka geystaan xuduuda ay wadaagaan.

Sarkaal ka tirsan dowladda iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in in ka badan soddon qof — oo ay ku jiraan haween iyo carruur — lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay gobollada Khost iyo Kunar.

Islamabad ayaa beenisay inay fulisay weerarada. Sida lagu sheegay bayaan hore oo uu soo saaray militariga Pakistan, todobo ka mid ah askartooda ayaa lagu dilay weerarro hubaysan oo ka dhacay Waqooyiga Waziristan — oo ah goob ay hore ugu xooganaayeen Talibanka Pakistan. Sidoo kale waxaa la dilay afar ka tirsan kooxdaas hubeysan.

Talibaanka Afgaanistaan waagii hore waxay dafireen inay gabaad siiyaan mintidiinta Pakistan.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post