1047 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2019 —Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Magaalada Yokohama.ee Dalka Jabaan kaga soo qeyb galay shir weynaha 7-aad ee horumarinta Afrika (TICAD7).

 

Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Japan waxa uu wada hadallo miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, Shinzo Abe, isagoo Madaxweynuhu ugu mahad celiyay soo dhoweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa intii ay halkaasi ku sugnaayeen.

 

 

Wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hooyay safarkii ay ku tageen Dalka Jabaan, iyagoo sidoo kale la kulmay intii ay halkaasi ku sugnaayeen madax ka tirsan Banggiga Adduunka qeybtiisa Afrika, iyagoo ka wada hadlay dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto dib u habaynta maaliyadda , deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment