915 Views

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Balcad

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Balcad
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 08 2020
—Xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda daggan kadib markii Al-Shabaab Saakay aroortii ay ku qabsadeen dagaal Xaafado ka mid ah Saacaddo kooban.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyay in hadda Ciidanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Magaalada, islamarkaana ay ka waddaan howlgallo.

Khasaare kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaal dhexmaray Ciidanka dowladda  iyo Al-Shabaab, waxaana labada dhinac ay guulo ka sheegtay dagaalka.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur  ayaa sheegay in ay degan tahay xaaladda Degmadaasi,Ciidamaduna ay hadda joogaan talisyadii iyo goobihii kale baraha koontaroolada ee degmadaasi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 14 xubnood oo ka mid ah Shabaab.

Hal askari  ayaa ka dhintay ciidamada xoogga,halka uu dhaawac ka soo gaaray  dhowr qof oo rayid ah sidda uu xaqiijiyay gudoomiyaha.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay Saldhiga degmada Balcad kasii daayeen Maxaabiis inkastoo warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post