351 Views

Dhamme C/qaadir Axmed Cali “ Argagixisada Awood uma Harin, Mar kale kuma soo qaldami doonaan Ciidanka Xoogga

Dhamme C/qaadir Axmed Cali “ Argagixisada Awood uma Harin, Mar kale kuma soo qaldami doonaan Ciidanka Xoogga
____________________________________________________________________________

.

Axad: SEPTEMBER 18, 2022

Argagixisada Al-Shabaab ayaa looga adkaaday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana xoog looga saaray degaano dhowr ah oo muddo shacabka ay ku dhibaateyn jireen.

Maleeshiyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaaladaas ayaa looga bur buriyay saldhigyo ay dadka ku baadi jireen kuna dhuumaleysanayeen.

Dhamme C/qaadir Axmed Cali oo ka tirsan Guutada 17-aad Gor-gor Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kana mid ah saraakiisha hoggaamineysa dagaalada Al-shabaab looga xoreeyay deegaanada Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in la wiiqay awooda argagixisada.

“Argagixisada Awood uma Harin, mar kale kuma soo Khaldami doonaan Ciidanka Xoogga,” ayuu yiri Dhamme C/qaadir Axmed Cali

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ku sugan deegaanka Abooreey oo laga Xoreeyey Argagxisada ayaa ka hadlay Khasaaraha la gaarsiiyey cadowga iyo Guusha usoo hoyatay Shacabka.

“ Waxaan u mahadcelinayaa ciidanka xoogga iyo dadka degaanka oo iska dulqaaday argagixisada,howlgalkiiasina cadowga wuu ku jabay,” ayuu yiri Xildhibaan Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee hormuudka u ah dagaalka dalka looga xoreyynayo argagixisada Al shabaab ayaa soo bandhigay, meydadka argagaxisada iyo sido kale hubkii laga furtay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka ayaa ku dadaaleysa sidii maleeshiyada Al-shabaab looga ciribtiri lahaa deegaanada fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin, waxayna horjoogayaasha iyo maleeshiyadooda ay hadda bilaabeen in ay kala firxadaan ka dib markii ay joogto noqdeen weerarada lagu bartilmaameedsanayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post