1599 Views

Bishii hore wax u eg gantaal lagu arkay hawada Shiinaha iyaga oo xawaare aad u sarreeya ku duulaya.

Bishii hore  wax u eg gantaal lagu arkay hawada Shiinaha iyaga oo xawaare aad u sarreeya ku duulaya.
____________________________________________________________________________

Sabti: November 20, 2021

Bishii hore, wax u eg gantaal ayaa lagu arkay hawada Shiinaha iyaga oo xawaare aad u sarreeya ku duulaya.

Gantaalkan ayaa la sheegay inuu ku dhacday qiyaastii meel 40 mayl ka horaysa bartilmaameedkii.

Sida laga soo xigtay khubarada, waxa uu ahaa nooc cusub oo ah gantaalada guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano hypersonic, inkastoo Shiinaha uu beeniyay.

Gantaalkan guuxiisa uu ka dheerayo dhanka xawaaraha ayaa waxaa uu sii kordhiyay loolanka dhanka hubka ah ee u dhaxeeya Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

Marka la ego cilmiga sameynta gantaalada ayaa ah mid muddo dheer soo jiray.

Waqtiyadii hore, waxaa jiray hub ay ka mid yihiin gantaalada iyo baasuukayaasha.

Hal-abuurkii in awood loo yeesho in hub xoog badan hawada la sii mariyo ayaa waxaa ka dhashay tignoolajiyada gantaalada dheereeya.

Farsamadan waxa sii hormariyay Jarmalka 1930kii, waxaa uuna Jarmalka xilligaasi rabay inuu sameeyo hub cusub.


Waxay Jarmalka isu keeneen kumanaan saynisyahanno ah waxaana meesha ka baxay caqabadihii la xiriiray tignoolajiyadan gantaalada.

“Jarmalka waxa uu sameeyay laba barnaamij oo cilmi baaris oo kala duwan, kuwaasi oo kala ahaa V-1 iyo V-2, waxaana lagu sameeyay gantaalada riddada gaaban iyo kuwa riddada dheer.

Dhammaantood waxay ahaayeen hub aad u kala duwan, “ayuu yiri Gressel, kuwaas oo loo yaqaanay Hubka Aargoosiga.

Qaar ka mid ah gantaaladii ay sameeyeen Jarmalka ayaa noqday xilligaas kuwa cilad ay ku jirto oo u shaqeyn waayay sidii loogu talagalay.

Intii uu dagaalku socday, Jarmalku waxa uu gantaallo ku garaacay magaalooyinka London, Antwerp iyo Paris, balse taasi waxba kama beddelin qaabkii dagaalka uu u socday.

Waxaa jiray bambooyin ama waxa loo yaqaanay, bambooyin duulaya oo la soo ridi karo iyadoo la kaashanayo matoorada diyaaradaha V-1.

Markii dambe saynisyahano ka shaqaynayay mashaariicdan waxay aadeen Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti si ay uga shaqeeyaan cilmi-baarista dhanka hubka ah.

Labada dal waxay ka shaqeeyeen hagaajinta tignoolajiyada gantaalaha si ay u kordhiyaan awoodooda militari.

Gantaalada casriga ah iyo nooca hypersonic

Labadan hub ee ay Jarmalka sameeyeen waa gantaalada riddada dheer ee maanta.

Gantaalada nooca loo yaqaano Cruise-ka ayaa ah kuwa qaradaha isaga tallaaba halka gantaalada nooca balastiiga ah ay ay beegsan karaan kumanaan mayl .

Dr. Laura Grego waa cilmi-baare ka tirsan Machadka Teknolojiyadda Massachusetts.

Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in gantaalkaasi uu xakameeyo dhaq dhaqaaqiisa cirka, si uu si sax ah ugu haleelo bartilmaameedka, iyada oo cadawga uusan ku baraarugin ama ka war hayn.

Gantaalada casriga ah ee loo yaqaanno hypersonic ayaa ah kuwa leh awooddan.

” Si gaar ah ayaa loo qaabeeyey si ay isu rog-rogaan ama midig iyo bidix ugu duulaan si xawaaraheedu sareeyo,” ayay tiri.

Awooddani waxay ka caawisaa inuu weeraro iyada oo aysan qaban raadaarada cadowga. Inkasta oo Laura ay sheegtay in dabagalka iyo raadinta gantaalku aanu ahayn mid adag.

Faransiiska, Hindiya, Japan, Shiinaha iyo Australia ayaa ka shaqeynaya imika sameynta tignoolajiyada gantaalada guuxooda ka dheereeya ee hypersonic.

Balse Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha ayaa hormariyay gantaalada casriga ah.

Dr. Marina Favaro waa Cilmi-baare ka tirsan Machadka Cilmi-baarista Nabadda iyo Siyaasadda Amniga, Jaamacadda Hamburg.

Waxa ay ku dooday in wadamada waaweyn ee dunidu ay ku loolamayaan inay hormariyaan tignoolajiyada milatariga.

Waxay tiri, “Waxaa guud ahaan la rumeysan yahay in gantaalba gantaalka uu ka xawaara dheer yahay uu ka sii fiican yahay.

Waxay intaa ku dartay in hubku noqday sharaf qaran islamarkana aysan ahayn oo kali in hubka ay dalalka u sumeysanayaan in ay isticmaalaan.

“Taa beddelkeeda, waxay rabaan inay sheegaan inay samayn karaan hub casri ah” ayay tiri Dr. Marina.

Tani waxay ka dhigan tahay in Shiinuhu uu dhawaan billaabay inuu isku dayo inuu muujiyo inuu la siman yahay Maraykanka dhinaca tiknoolajiyada casriga h.

Diblomaasiyadda, Xiisadda ka dhalata Hubka

Intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, waxaa heshiisyo dhowr ah wada saxiixday Mareykanka iyo Midowga Soofiyeeti si loo dhimo khatarta weerarrada Nukliyeerka.

Qaar badan oo ka mid ah heshiisyadan ayuu waqtigooda dhacay, waxaana heshiiska ugu dambeeya uu dhacayaa 2026.

Laakiin Maraykanku heshiis noocan ah kalama dhaxeeyo Shiinaha.

Dr. Cameron Tracy, oo ah caalim baare ka tirsan xarunta amniga iyo iskaashiga caalamiga ah ee jaamacadda Stanford, ayaa sheegay in gantaallada xawaarahooda ka dheereeya ee loo yaqaano hypersonic ay kordhiyaan xurgufta ka dhexeysa dalalka.

Waxa uu yiri, “Waxaan haynaa calaamad cad oo muujinaya in dalalka ay ku lug

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post