1386 Views

Gudoomiyaha jaamacada carabta oo si kulul u canbaareeyay qaraxii Habeen hore.

Gudoomiyaha jaamacada carabta  oo si kulul u canbaareeyay qaraxii Habeen hore.
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Gudoomiyaha baarlamaanka jaamacada carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxii argagaxisadu ku laayeen dad shacab ah oo maqaayad ku sugnaa jimcihii aynu soo dhaafnay kaas oo ka dhacay degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha wuxuu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo baarlamaanka carabtu u hayo jamhuuriyada federaalka ee soomaaliya uuna taageersan yahay dadaalada ay wado ee argagaxisada lagula dagaalamayo.

Gudoomiyaha wuxuu ku nuux nuuxsaday diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta  caalamiga ah islamarkaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida.

Ugu danbeyntii wuxuu gudoomiyaha uga tacsiyeeyay madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post