3072 Views

Dhagayso:-Fanaanadda Qaran Khadiijo C/llaahi Daleys Oo Ku Geeriyootay Toronto Canada.

Dhagayso:-Fanaanadda Qaran Khadiijo C/llaahi Daleys Oo Ku Geeriyootay Toronto Canada.
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | January 15, 2018 –Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Toronto ee Dalka Canada ku geeriyootay fanaannadda Qaran ee Khadiija Cabdullahi Dalays oo ka mid aheyd Dumarka fanka kuwooda loogu jeclahay.

Fanaaniin ku sugan Dalka Canada iyo kuwa kale oo la soo shaqeeyay ayaa Qaranimo Online u xaqiijiyay Geerida Khadiijo Dalays oo mudooyinkii dambe ku xanuunsaneed Dalka Canada sida ay noo sheegeyn dadkii la noolaa.

Alle ha u naxariistee Khadiijo C/llaahi Daleys waxaa ay sanadkii 1936dii ku dhalatay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa ay ahayd gabadhii ugu horreysay ee ka heestay Radio Muqdisho.

7dii Bishii la soo dhaafay waxaa iyana Magaalada Hargeysa ku geeriyootay Shamis Abuukar oo loo yaqaannay Guduudo Carwo,taas oo iyana ahayd fanaanaddii ugu horreysay ee ka heestay Radio Hargeysa.

Dalays heesaha ay qaadday waxaa ka mid ah heesta “Muruqiinna maaloo dhulka mira ku beeroo,macdanta biyaha,muujiya wanaaggaa”.

Fanaaniin badan iyo Abwaaniin ayaa ka tacsisyeeyay Geerida Fanaanadda Qaran ee Khadiijo C/llaahi Daleys.

Dhagayo Taariikhda  Daleys

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment