369 Views

Fallaagada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya oo baaq u dirtay beesha caalamka

Fallaagada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya  oo baaq u dirtay beesha caalamka
____________________________________________________________________________

 Isniin: OCTOBER 17, 2022

Fallaagada Tigray ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ka qeyb qaataan sidii xabad joojin deg deg ah ay u wada gaari lahaayeen iyaga iyo dowladda Itoobiya ama inay ka caawiyaan sidii ay isku difaaci lahaayeen, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay barta Twitter-ka.

TPLF waxay beesha caalmka ka codsaneysaa inay “cadaadis ku saaraan ciidamada Eritrea inay isaga baxaan Tigray isla markaana dowladda Itoobiya ay ku cadaadiyaan inay soo fariisato miiska wadahadallada”.

Eritrea oo saaxib la ah dowladda Itoobiya waxay ka caawineysay dagaalka ay kula jirtay jabhadda TPLF.

TPLF waxay sidoo kale sheegtay inay diyaar u yihiin joojinta colaadda waa haddii dowladda Itoobiya ay aqbasho wadahadallada nabadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post