897 Views

Deni oo ku dhawaaqay inay ka jawaabayaan weerarkii Xabsiga Boosaaso

Deni oo ku dhawaaqay inay ka jawaabayaan weerarkii Xabsiga Boosaaso
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 6da Maarso, 2021:
-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadkay weerarkii Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso iyo howlgalladii ay Gobolka Bari ka fuliyeen Ciidamada Puntland.

Madaxweyne Deni oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa marka hore sheegay in howlgallada Ciidamada Ammaanka ay meel wanaagsan marayaan, isla markaana Al-Shabaa  weeraray Xansiga laga dhigay, wax la dilay, wax la qabtay, isaga oo u mahad celiyay Ciidamada Shacabka Boosaaso & Ciidamada howlgalka fuliyay.

Sidoo kale Deni ayaa ka tacsiyadeeyay  aslartii ku dhimatay weerarkii Xabsiga dhexe, sidoo kalena ay abaal ma4in doonaan kuwii howlgalka fuliyay, waxaana uu Shacabka ka codsaday inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Ugu dambeyn Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in Ciidamada Amniga ay yihiin kuwa mar walba diyaar u ah sugida Amniga, isla markaana jawaab deg deg ah ay ka bixin doonaan weerarka talaabana ay ka qaadi doonaan dadkii ay ku cadaato inay soo abaabuleen.

” Puntland waxay ku jirtaa heegan buuxa, ficilka dhacayna sida ugu wanaagsan baan uga falcelinaynaa , dadkay ku cadaato inay qayb ka ahaayeena waxaan rajeyn inaan ka abaal marinno oo wajibkooda la mariyo ayuu yiri” Madaxweynaha Puntland.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli habeen ka hor la weeraray Xabsiga Dhexe ee Boosaaso, isla markaana la sheegay in Al-Shabaab ay siidaayeen qaarkoodna kaxeysteen dadkii ku xirnaa Xabaiga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post