1068 Views

SAWIRO:-Wafdi Sahmin ah oo gaarey degmada Berdaale

SAWIRO:-Wafdi Sahmin ah oo gaarey degmada Berdaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 30, 2019 —Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo uu qeyb ka yahay Taliyaha Sector 3-aad ee Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay ku sugan yihiin Degmada Bardaale  ee Gobolka Baay, iyaga oo u kuurgalaya xaalada ka jirta degm,adaas.

 

Degmada Bardaale ayaa waxaa kusoo rogmaday daadada ka dhashay roob maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay degmadaas,waxaana badi bareakacay dadkii ku noolaa degmadaas.

 

 

Wafdiga ku sugan Bardaale ayaa waxaa kamid ah  Guddigii gurmadka Fatahaadaha KG uu magacaabey Madaxweynaha K/Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiir kuxigeenka wasaradda Arrimaha gargaarka maareynta iyo Masiibooyinka KGS,Guddoomiyaha gobolka Baay , Guddomiyaha degmada Bardaale, iyaga oo  shacabka ka wareystay Xaladahooda sida ay hada tahay.

 

Bulshada ku nooleyd degmada Bardaale oo u barakacay duleedka degmadaas ayaa waxaa ay Hoy ka dhigteen Geedaha ku yaalla banaanka Magaalada,dadkaas oo isugu jira,Hooyooyin, Carruur iyo dad kale oo Da’ah.

 

Genaral Alemu Ayele oo ah taliyaha Ciidanka AMISOM sector 3 ayaa shaagey in ay door muhiim ah ay ka qaadan doonaan sidii bulshada Degmada bardaale gar gaar loo gaarsiin lahaa ,isla markaana kaalmadii ugu horeysay ay gaarsiiyeen Bulshada degmada Bardaale.

 

Wasiir kuxigeenka wasaradda gargaarka Maareynta Iyo masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabduqaadir Sheekh Cali Baraka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay kusoo arkeen degmada Bardaale qof kastana looga baahan yahay in uu doorkiisa ka qaato sidii bulshadan loogu gurman lahaa.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment