1518 Views

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalada Magaalada Boosaaso

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalada Magaalada Boosaaso
____________________________________________________________________________

Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal kasoo saartay dagaalka ka socda Magalada Boosaaso, iyaga oo ku eedeeyay in Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF in uu hurinaayo Colaada Magaalada Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka ay ka go’an tahay ilaalinta sareynta sharciga.

”Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxtooyada Maamulka Puntland uu dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF inay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, ayna waxay qaadayaan tallaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post