666 Views

midowga musharraxiinta oo kulan uga bilaawday goor dhawayd hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho

midowga musharraxiinta oo  kulan  uga bilaawday  goor dhawayd hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: August 14, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd Xubnaha golaha midowga musharraxiinta mucaaradka uu kulan  uga bilaawday  hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka billowday

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo sida aan wanaagsaneyn ee ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee ka socda maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa la filayaa in golaha uu soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan ee xaaladd dalka, siiba arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post