252 Views

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo sheegay in deegaanaddii laga xorreeyey kooxaha khawaariijta la gaarsiin doono adeegyadda dowladda

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo sheegay in deegaanaddii laga xorreeyey kooxaha khawaariijta la gaarsiin doono adeegyadda dowladda
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3, 2023

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku sheegay in Xukuummadda dan-qaran daddaal weyn ku bixinayso sidii Adeegyadda bulshaddu u baahan tahay loo gaarsiin lahaa Deegaannada laga xorreeyey kooxaha Khawaariijta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay in dhowaan deegaannada laga xorreeyey khawaarijta laga fulin doono mashaariic horumarineed si loo kabo kaabayaasha Nolosha sida beeraha iyo xoollaha nool ” Hadda wixii ka dambeeya waxa loo guurayaa labo jiho, in degmooyinka Khawaarijta laga saaray dowladdnimada la gaarsiiyo oo adeega asaasiga ah ay helaan intaas kadib na loo jihaysto dhanka horumarinta dalka ” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo hadalkan ka jeediyey maddal wasaaradda qorshaynta Qaranku ku abaal marinaysay shaqaalaheeda.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh iyo xukuummaddiisa oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa gulufkii dagaal ee ugu cuslaa ku qaaday kooxaha khawaariijta taas oo sababtay in mudo yar guullo waaweyn laga soo hooyo furimaha dagaalka,goboladda Shabeellaha dhexe,hiiraan,galgaduud,galmudug iyo shabeellaha hoose ayey hawlgalada ugu culus ka dhaceen kuwaas oo dhamaantood laga guuray guullo wax ku oolka lagana xorreeyey deegaannadii ugu badnaa kooxaha khawaariijta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post