1014 Views

Xoghayaha caafimaadka ee UK oo sheegay in Ruushka ay durba u direen taangiyo iyo ciidamo gudaha dalka Ukraine

Xoghayaha caafimaadka ee UK oo  sheegay in Ruushka ay durba u direen taangiyo iyo ciidamo gudaha dalka Ukraine
____________________________________________________________________________


Talaado February 22, 2022

Xoghayaha caafimaadka ee UK ayaa sheegay in Ruushka ay durba u direen taangiyo iyo ciidamo gudaha dalka Ukraine, taasoo muujineysa duulaan.

Sajid Javid ayaa u sheegay Sky News sidan: “Waxaan ku soo toosnay maalin aad u madow , marka loo eego waxa aanu arkayno ee socda, way cadahay in ruushku go’aansaday inuu weeraro Ukraine”

“Waanu aragnay inuu aqoonsaday goboladan bari ee ka go’ay dalka Ukrain, waxaa hada muuqata inuu u soo diray taangiyo iyo ciidan badan, markaa waxaa iska cad in duulaanka Ukraine uu bilaabmay” ayuu sii raaciyay.

Ra’isulwasaaraha Dalka UK ayaa la filayaa in uu arrintan ka hadlo sacaadaha soo socda.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post