768 Views

Taliska Howlgalka Amisom oo kulan ka yeeshay Ammaanka doorashooyinka Dalka

Taliska Howlgalka Amisom oo kulan ka yeeshay Ammaanka doorashooyinka Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November11, 2020 –Taliyaha guud ee ciidanka Amisom ,sareeye guud Diomede Ndegeya, ayaa maanta kulan la qaatay saraakiisha lixda qeybood ee Amisom kaasi oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo qeyb ka aha xoojinta amniga maadaama ay qeyb ka yihiin la dagaalanka argagixisa.

Kulanka oo ay hanaanka muqaal-fog araga dhanka internetka uga qeyb galeen lixda taliye  qeybaha Amisom ayaa looga hadlay qorsheynta hanaanka dib u qaabeynta howlgalka Amisom iyo sidii loo meel marin lahaa qorashayaasha lagu kaabayo hanaanka la dagaalanka Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa  sidoo kale kulanka ay uga hadleen  talaabooyinka dhanka amaanka la xiriira kuwaas oo loogu talo galay doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya .

Ciidanka Amisom ee jooga Soomaaliya waxay kaalin weyn ka qaataan la dagaalanka argagaxisada iyaga oo garab ka helaya xoogga dalka Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post