786 Views

Malaariyada oo fara ba’an ku heysa dunida

Malaariyada oo fara ba’an ku heysa dunida
____________________________________________________________________________



Talaado: December 7, 2021

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in sanadkii hore uu sare u kacday cudurka malaariyada xilli cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu carqaladeeyay adeegyadii caafimaadka.

Warbixinteeda sanadlaha ah ee malaariyada ayay WHO ku sheegtay in 2020-kii la diiwaangaliyay 14 milyan oo xaaladood oo cudurkaasi ah, iyadoo saddex meelood oo labo meel 69 kun ee qof ee cudurkaasi u dhintay loo tiiriyay carqalad ku timid dedaalladii daweynta iyo ka hortagga ee cudurkaasi.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in tirada dadkii sanadkii la soo dhaafay cudurkaasi Afrika ugu dhintay ay laba jibaarantay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post