1479 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Cambaareyn kala kulmay Sawir uu la galay Cornel Tuke

Madaxweyne Farmaajo oo Cambaareyn kala kulmay Sawir uu la galay Cornel Tuke
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 28-2019 —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareyn kala kulmay dhanka baraha bulshadda ka dib markii uu Sawir la galay Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo Maxkamad ku taalla Mareykanka ay ku eedeysay xasuuq dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa Gibilay Somaliland xilligii Siyaad bare.

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo bulshadda isticmaasha baraha bulshada ayaa Madaxweynaha aad ugu dhaliilay in maanta uu kiciyay dareenka Ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay gacanta maamulkii Milatariga.

“Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dambi ku heshay Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo ku magac-dheer Kornayl Tuke, oo la sheegay inuu jirdil gaystay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya

Konrnayl Tuke ayaa waxaa dacwo ka gudbiyay Farxaan Taani Warfa, oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay

Waxaa lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 oo doollar.

Dhacdooyinka lagu eedeeyay ayaa la sheegay inay dhaceen sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii, sida ku xusan warqadaha ninka dacwada gudbiyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment