1149 Views

Nin hubeysana oo laba askari ku toogtay Tanzania oo la dilay

Nin hubeysana oo laba askari ku toogtay Tanzania oo la dilay
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 25, 202

Nin hubeysana ayaa lagu dilay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania kadib markii uu labo askari ku dilay israsaaseyn halkaas ka dhacday .

Safaaradda Mareykanka ee Tansaaniya ayaa soo saartay digniin degdeg ah ka dib markii nin hubeysan lagu dilay agagaarka Buundada Salenda oo ka baxsan safaaradda Faransiiska ee dalkaas.

Ninkan oo ku hubeysnaa qori AK 47 ah, ayaa wuxuu taagnaa bannaanka hore ee Safaaradda, isaga oo u muuqday qof hagaya gaadiidka wadada maraya.

Si kastaba ha ahaatee, booliska ayaa heegan la galiyay. Illaa iyo hadda boolisku wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadan dadka badan naxdinta gelisay.

Safaaradda ayaa waxay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay taxaddar muujiyaan.

.

office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post