1752 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Xarumaha Wasaaradaha Dalka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Xarumaha Wasaaradaha Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, 2018 — Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, hawlaha guud, beeraha, xannaanada xoolaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada, waxa uuna wasiir waliba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo wixii ka hir-galay.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

rw-booqday-wasarada-caafimaadka-9 rw-booqday-wasarada-caafimaadka-8 rw-booqday-wasarada-caafimaadka-7 rw-booqday-wasarada-caafimaadka-6 rw-booqday-wasarada-caafimaadka-5 rw-booqday-wasarada-caafimaadka-4 rw-booqday-wasarada-caafimaadka-3 rw-booqday-wasarada-caafimaadka-2 rw-booqday-wasarada-caafimaadka-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment