453 Views

Al-shabaab oo mar kale degmada Baxdo weerar ku qaaday sidii ay uga aarsan lahayd dadka Deegaanka Weerarkii bilo ka hor.

Al-shabaab oo mar kale degmada Baxdo weerar ku qaaday sidii ay uga aarsan lahayd dadka Deegaanka Weerarkii bilo ka hor.
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 1, 2022

Wararka ka imaanaya degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerareen deegaanno hoos taga degmadaasi. Kooxda aya qarax ku burburiyay ceelasha biyaha iyo xaruumaha shirkadaha isgaarsiinta ay ku leeyihiin halkaa,mana jiro khasaare nafeed oo ka dhashay.

Maxamed Cabdullahi Muuse, guddoomiyaha degmada Baxdo,ayaa BBC-da u sheegay in Al-shabaab ay weerarka soo qaadeen xalay saqdii dhexe iyagoo beegsaday dhowr tuulo.

Wuxuu intaa ku daray in maadaama ceelashii laga qarxiyay dadka deegaanka ay arrintaasi saameyn ku yeellan karto maadama lagu jiro xilli adag oo abaari ay jirto.

Horey Baxdo waxaa uga dhacay weeraro Al-shabaab ku qaadeen oo gaystay khasaare isugu jira naf iyo maal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post