3672 Views

Wasiirka Cusub ee Waxbarashada oo Xilka la wareega.

Wasiirka Cusub ee Waxbarashada oo Xilka la wareega.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 28, 2016 – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaradda, waxana munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano Maamulka Wasaaradda Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ku wareejiyey warqadaha shaqada ee Wasaaradda Wasiirka Cusub, waxana uu faah-faahin ka bixiyey wax yaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilka haysay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Khadar Bashiir Cali.

Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo ku hadlayay magaca Xukuumadda ayaa hambalyo u direy Wasiirka Cusub, wuxuna alle uga baryey in shaqadiisa u fududeeyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada, isagoo xusay in uu halkii kasii wadi doono shaqada Wasaaradda, isla markaana ka rajeynayo in shacabka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan kor u qaadista Waxbarashada dalka.

wasiiro-cusub-2 wasiiro-cusub-1 wasiiro-cusub-5 wasiiro-cusub-6 wasiiro-cusub-3 wasiiro-cusub-4 wasiiro-cusub-7

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment