1536 Views

Donald Trump oo u qeeylo dhaamiyay Midowga Yurub

Donald Trump oo u qeeylo dhaamiyay Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 18, 2019–Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa UK iyo waddamada kale ee Yurub ee xiriirka kala dhaxeeyo u sheegay in dib ay ugu soo laabtaan dagaalka lagula jiro kooxda isku magacaawday Khilaafada Islaamka.

Trump ayaa waddamadaan ku booriyay in ay ka qeyb qaataan dagaalkii ugu dambeeyay oo ay isku dayaan in ay meesha ka saaraan in kabadan 800 oo qof oo ka tirsan dagaalamyaasha ururka Daacish.

Hadalkaan oo uu ku soo qoray bartiisa twitter-ka ayaa imaanaya iyadoo xoogagga Kurdiyiinta ee uu taageero Mareykanka ay weerar culus ku qaadeen goobtii ugu dambeeysay ee ay IS ka arrimiso taas oo ku taallo soohdinta Suuriya ay Ciraaq la wadaagto.

Waxaana jiro dagaalamayaal ka tirsan IS ay gacanta ku dhigeen ciidamada ay Kurdiyiinta hor kacayaan.

Mr Trump ayaa maalmo ka hor sheegay in ururka Daacish ay haatan sii dhamaanayaan.

Hadalkiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in Mareykanka uusan eegan Karin dagaalamayaasha IS oo ku dhex milmaya Yurub.

Waxa uuna sidoo kale sheegay in la joogo xilligii dalalka kale shaqadooda ay awoodaan qabsan lahaayeen.

Saraakiisha Maamulka Trump ayaa maalintii Axadda ahayd u sheegay wargeeyska Telegraph in ay ka cabsi qabaan in qaar ka mid ah dagaalamayaasha Daacish ee maxaabiista ah ay dalalka Yurub khal-khal geliyaan waa haddii aan cadaaladda la hor keenin.

Madaxweyne Trump ayaa jimcihii sheegay in 24-ka saac ee socota la soo sheegi doono in IS gabi ahaanba la baabi’iyay balse waxaa waqtigaasi ka soo wareegatay 24 saac ka badan ilaa haatanna waxa war ah oo ka soo yeeray ma jiro aqalka cad ee Mareeykanka looga arrimiyo.

Jiya Furat waa hogaamiyaha dagaalka lagu qaaday Baghuz oo ah goobta kaliya ee ay haystaan Daacish waxa uuna sheegayaa in IS ay isugu soo uruurtay masaafo gaareeysa 700 oo mitir.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment