1329 Views

Guddiga doorashada gobollada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi oo goor dhoweyd doortay gudoomiye

Guddiga doorashada gobollada Waqooyi  Garabka Cabdi Xaashi oo  goor dhoweyd doortay gudoomiye
____________________________________________________________________________


Sabti: August 7, 2021

Waxaa soo kordhaya qilaafka u dhaxeeya Maamulka Somaliland ee muqdisho jooga, waxaana haatan ay u kala jabeen laba garab.

Guddiga doorashada gobollada Waqooyi ee garabka gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa goor dhoweyd doortay gudoomiye iyo gudmooye ku xigeenka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi, iyagoona gudmooye u doortay Saleebaan Ceydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeenna ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadan ayaa imaaneysa xilli maanta duhurki uu ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Maxamed Xuseen Rooble uu soo dhaweeyay doorasho ay guddoonka guddiga doorashada gobollada Waqooyi ay ku doorteen xubnaha gudoomin doona guddiga, taas oo ay ka maqnaayeen xubnaha garabka gudoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta sheegay inuu sii wadi doono waan waanta uu ka dhex wado Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dowladda federaalka Mahdi Guuleed.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post